Madaxweyne kuxigeenka Jsl iyo wefdigii uu hoggaaminayey ee maalmahan ku sugnaa Gobolka Awdal ayaa xalay kulan la yeeshay haween weynaha gobolka

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefdigii uu hoggaaminayey ee maalmahan ku sugnaa Gobolka Awdal magaalo madaxdiisa Boorama oo kulamo kala duwan la qaadanayey qaybaha Bulshada intii uu ku sugnaa gobolka ayaa xalay kulan muhiima la yeeshay haween weynaha gobolka.

Kulankaas oo ujeedkiisu ahaa sidii laysaga kaashan lahaa horumarka gobolka iyo arrimaha bulshada ee ay ugu horayso nabadgelyadu ayaa ku Soo dhamaaday Isfahan iyo wada shaqayn buuxda.