Madaxweyne Museveni oo booqanaya Suudaan

Xidhiidhka labada Madaxweyne ee Ugaandha Yoweri Museveni iyo Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa xidhiidhkoodu xumaa muddo toban sanno ah, iyadoo labada dhinaca isku eedeeyeen in mid waliba taageero siiyo kooxo falaago oo ka soo horjeeda maamuladooda.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa maanta booqasho ku tagay waddanka Suudaan oo ay ka wada hadali doonaan xiisada ka taagan Koonfurta Suudaan oo hore uga go’day Suudaan.

Bishii hore ayey kala saxeexdeen heshiis nabadeed Madaxweyne Salv Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaridka Reik Machar, inkastoo aanay wali dhaqan galin heshiis nabadeed oo buuxi.

Hoggaamiyaha mucaaridka ayaa taageero ka hela Madaxweyne Cumar Al-bashiir, halka Ugaandhana ay ka joogaan Koonfurta Suudaan ciidamo nabad Ilaalin ahi.

bandhige@gmail.com