Madaxweyne Muuse Biixi oo Kormeeray Dhismaha Buundadka Isku Xidha Magaalada Boorama iyo Jaamacadda Cammuud oo Dhismaheedu Socdo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer ku tegay Buundada isku xidha jaamacadda Cammuud iyo magaalada Boorama oo dhismaheedu in muddo ah socday, horena madaxweynuhu u dhagax-dhigay.

Maareeyaha hay’adda horumarinta waddooyinka, Mudane Axmed Yuusuf Maxamed, ayaa madaxweynaha uga warbixiyey halka ay marayso Buundadu, waxana uu tilmaamay inay ku han weyn yihiin inay dhawaan dhammaato.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maareeyaha iyo hawl-wadeennada kale ee hay’adda horumarinta waddooyinka ku bogaadiyey horumarka ay ka sameeyeen dhismaha buundada, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay xil iska saaraan dhammaynteeda.

Buuntada isku xidha Jaamacadda Cammuud iyo magaalada Boorama, ayaa halbawle u ah isu socodka jaamacadda iyo magaalada, waxana uu madaxweynuhu isaga oo dareensan muhiimadda waddadan uu ballan ku qaaday dhismaha iyo hirgelinta Buundadaas muhiimka ah.