Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kormeeray Xarumaha Dawladda Ee Magaalada Boorama, Xadhiggana Ka Jaray Buundo (Biriij) Cusub Oo magaalada Laga Hirgeliyey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maalintii labaad ku sugan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay  xarumaha waaweyn ee dawladdu ku leedahay magaalada Boorama, isaga oo xadhigga ka jaray Buundo cusub oo laga hirgeliyey gudaha magaalada gaar ahaan dooxa haye-yaabe, waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, habeenimadii xalay kulamo la qaatay madax-dhaqameedka gobolka Awdal.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo ee safarka shaqo ku jooga magaalada Boorama, ayaa kormeeray xafiiska badhasaabka gobolka Awdal, xafiiska wasaaradda Horumarinta maaliyadda iyo xarunta dawladda Hoose ee Boorama, waxana uu halkaas kusoo dhaweeyey  oo uu warbiximo  kaga dhegaystay masuuliyiinta qaranka u qaabilsan xafiisyadaas, kuwaas oo ka warramay halka ay shaqadu u marayso iyo qorsheyaashooda mustaqbalka, isaga oo dhinaciisana madaxweynuhu ku adkeeyey inay sii laban-laabaan dedaalkooda, xil weynna iska saaraan gudashada waajibaadka saaran.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu booqday xafiiska shirkadda biyaha ee SHABA, isaga oo warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta shirkadda ee xarunta ku sugnaa, kuwaas oo ku dheeraaday hawsha dhinaca biyo soo saarka ah ee ay shirkaddu ku hayso bulshada ku dhaqan magaalada Boorama.

 

Kormeerka shaqo kaddib, waxa uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray Buundo cusub oo isku xidhaysa magaalada Boorama iyo xaafadda Haye-yaabe oo dhawaan la dhammaystiray, waxana madaxweynaha iyo weftigiisa goobta xadhig-ka-jarista kusoo dhaweeyey bulshada ku dhaqan xaafadda Haye-yaabe, kuwaas oo farxad iyo rayn-rayn ku qaabilay madaxweynaha, ugana mahadnaqay inay muddo dheer kaddib heleen Buundo isku-xidhaysa xaafaddooda iyo magaalada inteeda kale, islamarkaana ay Meesha ka baxday caqabad dhinaca isu socodka bulshada ah oo ay usoo samreen.

 

Maayarka magaalada Boorama, Mudane Saleebaan Xasan Xaddi oo hadallo kooban ka jeediyey madasha xadhig-ka-jarista Buundada cusub, ayaa hoosta ka xarriiqay inay cashuurtii ay ummadda ka qaadeen ku dhiseen buundada, islamarkaana ay muhiimad gaar ah siiyeen sidii ay bulshadu uga bixi lahayd caqabadda dhinaca isu socodka ka haysatay.

 

Suldaan Dacar oo kamid ah salaadiinta bulshada ku dhaqan xaafadda Haye-yaabe, ayaa madaxweynaha iyo guud ahaan xukuumadda iyo dawladda Hoose ee Boorama uga mahadnaqay hirgelinta Buundada isku xidhaysa xaafadda iyo magaalada inteeda kale oo ay xaafaddu baahi weyn u qabtay.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si kooban uga hadlay xadhig-ka-jarista, ayaa bogaadiyey cid kasta oo gacan ka geysatay dhismaha Buundada, isaga oo caddeeyey inay ka go’an tahay in meesha laga saaro caqabad kasta oo ku gedaaman bulshada deegaanka Haye-yaabe, waxana uu yidhi “Dawladda Hoose waannu ku ammaanaynaa inay xaafaddan Biriijkaas u dhistay si ay isu gaadhaan, waana waajib ay lahayd, qofkuna haddii uu waajibkiisa guto waa lagu bogaadinayaa, suldaan Dacar iyo mushtamacan uu ka wakiilka yahayna aad iyo aad baanu ugu dedaali in wixii dhibaato ah ee ay qabaan laga daryeelo.”

 

Weftiga madaxweynaha, ayaa waxa xubno ka ah guddoomiye-ku-xigeenka golaha wakiillada, taliyayaasha ciidamada Militeriga, Booliska iyo Asluubta, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo siyaasiyiin iyo agaasimayaal guud, waxana ay maalintii labaad oo safar shaqo ah ku sugan yihiin magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.