Madaxweyne Muuse Biixi Oo kusoo noqday caasimada Hargaysa kadib safar shaqo oo uu ku marayay qaybo kamid ah Gobollada dalka

Madaxweyne Muuse Biixi  Oo Soo Dhammaystay Safar Shaqo oo uu Kusoo Maray Qaar Kamid ah Gobollada Dalka, Caasimaddana Kusoo Laabtay.

adaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo hoggaaminayo, ayaa maanta kusoo laabtay caasimadda dalka ee Hargeysa, kaddib markii ay soo dhammaysteen safar shaqo oo muddo Toddoba maalmood ah qaatay, kaas oo ay kusoo mareen qaar kamid ah gobollada Somaliland.

 

Madaxweynaha oo safar shaqo kusoo maray gobollada galbeedka ee Gabiley iyo Awdal iyo qaar kamid ah gobollada bariga dalka oo ay kamid yihiin Saaxil iyo Togdheer, ayaa  farxadda kala qaybgalay Ardayda sannadkan ka qalinjebiyey jaamacadaha dawladda ee gobolladaas ka dhisan, isaga oo mashaariic kala duwan oo ay xukuumaddu deegaannadaas ka hirgelisay kormeeray, halka iyo dhagax-dhig iyo xadhi-ka jaris ku sameeyey mashaariic kale oo bulshada waxtar u leh.

 

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu shirar kala duwan la galay madaxda xukuumadda u qaabilsan gobollada uu booqday, isaga oo kuurgalay mashaariicda kala duwan ee dawladdu hirgelisay iyo adeegyada bulshada loo qabto.

 

Shacabka kala duwan ee ku dhaqan deegaannada uu madaxweynuhu booqday, ayaa si ballaadhan madaxweynaha iyo weftigiisa  usoo dhaweeyey, iyaga oo isugu soo baxay jidadka waaweyn, waxana ay muujiyeen taageerada ay u hayaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.