Madaxweyne Muuse Biixi wuxu magacaabay maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka iyo masuuliyiin kale, Baashe Cawilna wuxu u beddelay Wakiilka Somaliland ee Kenya

Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Taariikh: 13/08/2018

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-179/082018, uu maanta ku magacaabay masuuliyiin cusub. 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- 

Wareegto Madaxweyne 

Magacaabid

Markaan Arkay:         Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:         Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey; 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan: 

Tir Magaca Xilka
1. Baashe Cawil Cumar Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya
2. Xasan Hirad Yaasiin Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta
3. Bashiir Sheekh Cumar Good Wakiilka Somaliland ee Dalka Maraykanka
4. Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar) Ergayga Gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Urur Goboleedka Horumarinta iyo Xidhiidhka Bulshada Bariga Afrika (EAC)
5. Xasan Axmed Ibraahin (Embassy) Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka

 

Waxaan uga mahadcelinayaa muddadii uu hayey xilka Qaranka Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Maraykanka Mudane, Rashiid Maxamed Nuur (Gaaruf).

ALLAA MAHAD LEH 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Line: 518390

 

https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl

http://www.somalilandnation.net/