Madaxweyne Paul Kagame oo ku dhowaaqay in uu mar saddexaad is-sharaxayo

Todobaad ayaa laga joogaa markii dadweynaha Ruwaandi u dareereen afti dastuurka wax lagaga bedelayo, taasi oo Madaxweyne Paul Kagame u ogolaanaysa in uu Mar saddexaad jagadda Madaxweynenimo u tartamo.
Madaxweyne Paul Kagame oo xalay telefishanka ka hadlay dadweynaha Ruwaanda ayaa ku dhowaaqay in uu mar saddexaad is-sharaxayo sida dastuurkii dhowaan loo codeeyey u ogolaanayo.
Madaxweyne Kagame oo ka hadlayey go’aanka is-sharaxida mar saddexaad ee jagadda Madaxweynenimo ee Ruwaanda ayaa waxa uu yidhi:
“Muhiimadda iyo fikradda aad arrintan ku dabaqdeen darteed, waan aqbali karaa oo kaliya.”
Balse Madaxweynayaasha Afrikaanka ah oo lagu xanto in ay doonayaan in aan jagadda Madaxweynenimo ka degin ayaa waxa uu sheegay in aan isagu doonayn in uu yeesho ama sii joogo jagadda Madaxweynenimo ee dalkiisa, balse doonayo in uu marka saddexaada jagadda qabto.
Todobaadkan dhammaaday ayuu Kagame waxa uu mahad-celiyey dadweyihii u codeeyey wax-ka-bedelka dastuurka Ruwaanda oo u ogolaanaya in uu mar saddexaad isa-sharaxo.
Wakhtiga Madaxwene Kagame ayaa waxa uu ku eg yahay sannadka 2017-ka, balse isbedelka cusub ayaa waxa uu ogolaanayaa in uu mar saddexaad isa soo sharaxo oo ka dego jagadda Madaxweynenimo 7 sanno oo dambe.
Sidoo kale waxa isbedelku u ogolaanayaa Kagame in uu laba jeer oo kale isku soo sharaxo jagadda Madaxweynenimo, taas oo ka dhigan haddii uu ku guulaysto in uu jagadda Madaxweynenimo ka degi doon sannadka 2034-ka.
bandhige@gmail.com