Madaxweyne Robert Mugabe wuxu khudbad khaldan u jeediyey baarlamaanka dalkiisa

Arrin aad u xiiso badan oo indhaha dunida soo jiidatay ayaa ka dhacday Zimbabwe.

Madaxweynaha 91-jirka ah ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa khudbad khaldan u jeediyey baarlamaanka dalkiisa.

Markii ay khudbadda madaxweynuhu waxoogaa socotay ayaa la dareemay in ay tahay khubaddii uu isla baarlamaankan u jeediyey bishii August, maalintii midnimada dalkaas.

Xubno ka tirsan mucaaridka baarlamaanka Zimbabwe ayaa ku oriyey madaxweynaha kuna yidhi “naga jooji khudbaddan aad akhriyaysaa waa mid hore.”

Kadib waxa la bakhtiiyey idaacadaha iyo TV-ga oo khdubadda madaxweynuhu toos uga baxaysay.

Madaxtooyada Zimbabwe ayaa baarlamaanka iyo dadweynaha dalkaas ka raali-gelisay khudbaddan khaldan, waxayna ku sifeeyeen in ay ahayd arrin farsamo-xumo ah oo ay ka dhacday xafiiska xoghaynta Madaxweynaha kuwaas oo si khaldan madaxweynaha u siiyey khudbad hore.

Madaxweyne Mugabe ayaa isaguna qaar warbaahinta ka mid ah u sheegay in uu ka xun yahay khaladka dhacay, ballana qaaday in aanu dib u dhici doonin.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa khaladkan Mugabe ka dhacay la xidhiidhisay da’diisa oo aad u weyn.

Bandhige@gmail.com