Madaxweyne Ruushka oo lagu eedeeyey in uu ansixiyey qorshihii lagu sumeeyey Alexander Litvinenko

Alexander Litvinenko  oo ka tirsanaa ha’yadda sirdoonka Ruushka ee KGB oo ay dhakhaatiir sheegeen in la sumeeyey toban sanno ka hor dhimashadiisa ayaa waxa maanta uu xaakin Ingiriis ahi ku shaaca ka qaaay in uu Madaxweyne Putin uu ansixiyey qorshaha lagu sumeeyen ninkaasi.

Warbixintan uu soo saaray xaakimkan ayaa lagu sheegay in ay qorshaha lagu sumeeyey Alexander in ay fuliyeen Dmitry Kovtun iyo Andrei Lugovoi oo ka tirsanaa KGB-da.

Labadan nin ayaa waxa ay qirteen in ay Alexander kula kulmeen magaalada London dhowr jeer, oo ay ku jirto marka lagu tuhunsan yahay in sumeyntu ay dhacday, hase yeeshee waxa ay beeniyeen in ay ku lug lahaayeen geeridiisa.

Dacwadda sumeynta oo ka socota Ingiriiska ayaa waxay Ruushka ka dalbadeen in loo soo gacan galiyo labadaas nin, balse Ruushka ayaa waxa uu ku gacan saydhay dalabkaas.

Alexander ayaa waxa uu ahaa nin aan hadalka la gaban, oo dhaleecan badan u soo jeedin jirey Madaxweyne Putin ka dib intii aanu u soo guurin Ingiriiska.

bandhige@gmail.com