Madaxweyne Siilaanyo ayaa goob fagaare ah kala hadlay dadweynaha Ceel-afweyn, kuna hoyday Ceerigaabo

????????????????????????????????????

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayo oo socdaalka ku maraayey Goboladda Bergia ayaa saaka goob fagaare ah kala hadlay dadweynaha Ceel-afweyn.

Intii uu Madaxweynuhu iyo weftiga uu hoggaaminayey joogeen waxay dadweynahah Ceel-afweyn ka gudoomeen gudoomeen 500 oo adhiya iyo 50 geela oo ka mida 100 geela oo uu shaqsiyan ugu deeqay Boqor Cismaan Buurmadaw.

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa waxay socdaal ugu sii kicitimeen dhinaca Ceerigaabo. Intii uu Ceerigaabo kusii gudo jiray safarkiisa waxa uu kormeer ku maray waddada Ceerigaabo qaybteed Ceel-afweyn iyo Ceerigaabo u dhaxaysa.

Weftiga Madaxweynaha ayaa gaadhay Ceerigaabo galabka halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey. Weftiga Madaxweynaha ayaa inta u joogo Ceerigaabo la filayaa in xadhig ka jarid iyo kormeerida mashaariic hor-u-marineed.

Socdaalkan madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa in ku soo gabagaboobo Gobolka Sanaag.

 

bandhige@gmail.com