Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta ku wareejiyey guddida heer qaran ee abaaraha lix gaadhi oo nooca Ambalaas ah.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa waxa uu ย maanta ku wareejiyey guddida heer qaran ee abaaraha lix gaadhi oo nooca Ambalaas (Ambulance) ka ah.

Gaadiidkan Madaxweynuhu waxa uu ugu talogalay in lagu galo gurmadka caafimaadka ee lagu taakulaynayo dadka ku tabaaloobay abaaraha baahay ee dalka ka dhacay.

Madaxweynaha oo halkaasi ka hadlay ayaa shacbiga ay abaartu saamaysay, Alle, uga baryey inuu ka dulqaado abaarta, raxmad khayr qabtana u shubo, waxaanu bogaadiyey hawlaha ay ilaa hadda soo qabteen guddida heer qaran ee abaaruhu iyo kuwa gobolada dalkuba.

Gaadiidkan oo ah qaybtii labaad, waxa ka horeeyey baabuur noocanoo kale ah oo dhammaa shan gaadhi kuwaasoo ay gacan ka geysatay fudaydintooda wasiirka Wasaaradda Maaliyada, Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxana mdaxweynaha kala wareegay baabuurtaasi guddida abaaraha oo uu u guddoomay sheekh Xasan ย Cabdisalaan oo ah guddoomiye ku xigeenka guddida.

Sheekha oo ka hadlay halkaas ayaa ku sifeeyey mdaxweynaha dalka inuu dedaal weyn ka galay waxka qabashada abaaraha, mahadnaqa Illaahay ka dibna u mahadnaqayo hoggaanka dalka ee heeganka u ah inay la talaacaan wax ka qabashada abaaraha.

bandhige@gmail.com