Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigii uu hogaaminayo ayaa waxay kormeer ku tegeen fadhiisimadda Ciidamada Qaranka ee Deegaanka Ganbadha

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Weftigii uu hogaaminayay socdaal ayaa Kormeer ku tegay fadhiisimada hore ee Ciidamada Qaranka ee Deegaanka Ganbadha ee Gobolka Sool.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa salaam ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka fadhigoodu yahay Ganbadha, salaanta ka diba waxa ugu horey ka hadlay Taliyahah Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale oo ka war-bixiyey xaaladda guud ee ciidamadda waxaanu yidhi:

“Maanta waa noo nasiib wanaag in aad taliska nagu soo booqato, jiidaha aaga beri ee Sool, madaxweyne waa ciidankii aad hore u aragtay waa naftood hurayaal u adeega waddanka oo xaaladkasta oo adag aan uga jixin jixayn hawsha ay hayaan.”

Gebo gebadii kormeerkan ayaa waxa ciidanka hadalo dar-daaran iyo dhiiri-gelin ah u soo jeediyey madaxweyne Siilaanyo waxaanu yidhi:

“Hawsha aad Qaranka u haysaan waa mid aan cid u haysaa jirin, waa mid ummadda iyo dadkuba idinku faanayaan oo aan leeyahay Ilaahay ha idinku garab-galo oo Ilaahay wax ha inala qabto, wixii ciidanka idinka dhimanna waanu ka hawl galaynaa waanan ku dadaali doonaa, had iyo jeer baahiyihiin ma dhamaystiri karno laakiinse waanu ku dadaalaynaa sidii aanu u dhamaystiri lahayn.”

Booqashada Madaxweyne Siilaanyo ee fadhiisinka Ganbadha ayaa imanaya wakhti uu muddo xileeleedkii shantii sanno ee dadka doorteen uu dhamaaday.

 

bandhige@gmail.com