Madaxweyne Siilaanyo oo ka qayb galay qalin-jebinta Jaamacadda Camuud

????????????????????????????????????

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta ka qaybgalay qalinjebinta dufcadii 14aad ee ka baxda Jaamacada Camuud oo noqonaysana dufcadii 5aad ee uu madaxweynuhu si xidhiidha uga qaybgalo qalinjebintooda intii uu xilka hayey.

Madaxweynuhu waxa uu halkaasi ka jeediyey hadalo isugu jira dardaaran, dhiirigelin iyo waano oo uu ardayda ujeediyey, waxaanu jaamacada camuud ku tilmaamay mid taariikh weyn ku leh qaranka iyo shacbigaba, isaga oo hambalyo u diray Guddoomiyaha Jaamacadda Prof. Saleeban, maamulka iyo macalimiinta guud ahaan  Jaamacadda, waxaanu balan qaaday inay ka  xukuumad ahaan ka qeyb qaadan doonaan  kaalintooda  tayeynta waxbarashada.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof: Saleebaan Axmed Guuleed oo warbixin guud ka siiyey madaxweynaha marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay jaamcaddu iyo natiijada ka dhalay dedaalkii ay sameeyeen oo ay maanta qalinjebinayaan ardaydii ugu horaysay ee Master Degree qaadatay, sannadkana ay ku talo jiraan inay bilaabaan PHD, Saleebaan Axmed Guuleed waxa uu ku dheeraaday tayeynta iyo kaabida waxbarashada jaamacadda Camuud, taasi oo ka dhigtay jaamacaddan qiimayn lagu sameeyey jaamcaddaha guud ahaan meelaha Af-soomaaliga lagaga hadlo, ay noqotay mid kaalinta koowaad ka gashay guud ahaan Jaamacaddaha sida qiimayntaasi lagu cadeeyey.

Waxaanu Guddoomiyuhu kula dardaarmay ardaydii ka qalinjebisay maanta jaamacadda Camuud oo tiradoodu dhantahay 863 Arday, inay dhawraan magaca jaamacada muujiyaana aqoonta ay soo barteen qaranka iyo bulshadana ay ugu adeegaan.

waxa kale oo halkaasi ka hadlay masuuliyiin kala duwan, Waalidiin iyo Laba arday oo ku hadlaayey afka Ardayda qalinjebinaysay.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey ardaydii ka qalinjebisay dufcadaha kala duwan ee jaamacadda Camuud iyo xubno kala duwan oo lagu sharfay kaalinta ay ku leeyihiin taakulada iyo dhiirigelinta jaamacada.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

bandhige@gmail.com