Madaxweyne Siilaanyo oo ka qayb galay xuska 22-guurada aasaaska Ciidanka Booliska

????????????????????????????????????

Xaflada balaadhan oo lagu xusayye sannad guurada 22-naad ee aas-aaska ciidanka Booliska ayaa waxa lagu qabtay xarunta Taliska guud ee Ciidamada Booliska.

Xafladan ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweynaha Axmed Maxamed Siilaanyo, wasiirka Arrimah Gudaha iyo masuuliyiin kale oo badan.

Waxa hadalo kooban ka jeediyey xafladan Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay aas-aaska ciidanka booliska ayaa waxa uu yidhi:

“Farxad weyn bayn ii tahay inaan maanta kasoo qeyb galo Munaasibada Sannad guurada 22aad ee aas-aaska  Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland, ciidanka booliska somaliland waa waxay ku fadhido nabadgelyada dalka iyo dadku uu ku faano. waxaan mahad weyn u celinayaa Ciidankaa heerkastuu yahay Dadka hadii aan la kala celin oo la ilaalin oo shariciga la ilaalin oo cid ilaalisa loo samayn wax badan baa laysku qabsanayaa wax badan baa inaga fakanaya.”

Dhinaca kale waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ka hadlay arrimaha khilaafka Kulmiye waxa uu yidhi:

“Dal Dimuqraadi ah baynu nahay dad wada jira baynu nahay Siyaasada waa layskaga hor imanayaa, danaa la kala leeyahay qaab kala duwan baa wax loo arkaa laakiin farsamo iyo cilmi iyo aqoon iyo nidaam baa lagu kala baxaa wixii nidaamkaa ka baxsan ee nabadgelyada wax yeelaya cid laga yeelayaa ma jirto Booliskuna wuxuu u samaysan yahay inuu nabad gelyada ilaaliyo cid kastaba ha noqotee.”

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:

“Markaa waxaan leeyaahay dadka qaarkood waa laysku qabsanaya waa layska hor imanayaa laakiin cidna ka yeeli mayno cidna laga aqbali maayo intaynu ciidankeenaa booliska iyo ciidamada kale nabad gelyada ilaaliya aynu  haysano in cidina wax yeesho oo ummaddaa iyo dadkaa nabadgelyada iyo xasiloonida haysta ay ku cayaarto nabadgelyadaa iyo xasiloonidaa aynu leenahay. waxaan leeyahay aad iyo aad baan ugu bogaadinayaa ciidamada booliska madaxdiisa, masuuliyiintiisa iyo mijihiisaba sida fiican ee qaranimada leh ee hawshaa, xilkaa loo igmaday ay u ilaaliyaan, waxaan leeyahay hanbalyo aad iyo aad u balaadhan baan usoo jeedinayaa  ciidanka booliska, ubadkooda iyo xaasaskoodaba aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin”.

Hoos ka daawo khudbadda Madaxweyne Siilaanyo:

Halkan hoose ka daawo sawiradda xaflada xuska sannad guurada 22-naad ee aas-aaska booliska:

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

bandhige@gmail.com