Madaxweyne Siilaanyo oo ku soo guryo-noqday Hargeysa si weyna loo soo dhaweeyey

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaayo iyo weftigii uu hogaaminaayey oo 8 maalmood ku sugnaa Imaaraadka Carabta ayaa maanta dalka ku soo laabtay kana soo degay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal. Sidaas waxa lagu sheegay war saxaafadda loogu talo galay oo uu soo saaray Naasir Yuusuf “Naska”, Xoghayaha Gaarka ah ee Saxaafadda Madaxtooyada.

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefigiisu markii ay soo cago dhigteen madaarka  waxa si weyn u soo dhaweeyey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici”, taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee Somaliland, Wasiirro, xildhibaanada labada golle, Salaadiin, cuqaal iyo shacbi kale oo badan.

Ugu horayna waxa uu madaxweynuhu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka mida ciidamada qaranka kadibna waxa uu saxaafadda kula hadlay qolka nasashada ee madaarka.

Ugu danbayn weftiga madaxweynaha waxa loo soo galbiyey dhinaca madaxtooyada iyadoo ay waddooyinka qaar tuban yihiin dadweyne ruxayey caleemo qoyan, sacabkana garaacayey si ay madaxweynaha u soo dhaweeyaan.

Siilaanyo imaaraad soo laabatay8
Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Dibedda Maxamed Biixi waxa ay la hadleen warbaahinta markii ay yimaadeen Madaarka Cigaal

Ciidamada qaranka oo salaan-sharaf siinaya Madaxweyne

Ciidamada qaranka oo salaan-sharaf siinaya Madaxweyneha

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefitigiisu waxay Imaaraadka u socdaaleen 6-dii Juun kadib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heleen Boqorka Imaaraadka Carabta. Inta la og yahay waxa ay la kulmeen dhaxal-sugaha Imaaradka Carabta Mohammed bin Zayed bin Sultan Al Nahyan oo uu wehelinayey ku-xigeenka Ra’isal Wasaaraha dalka ahna Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mansour bin Zayed bin Sultan bin Zayed bin Khalifa Al Nahyan.

Sidookale waxa ay la kulmeen madaxda Khalifa Foundation oo ah hay’adda caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta u qaabilsan gargaarka iyo deeqaha caalamiga ah.

Madaxweynaha safarkiisa waxa ku wehelinayey marwada koowaad ee qaranka, 5 wasiir, xogyaha Madaxweynaha iyo xoghaynta Marwada.

Siilaanyo imaaraad soo laabatay5
Marwada koowaad ee qaranka Aamina-Weris oo ku faraxsan sida loo soo dhaweeyey
Siilaanyo imaaraad soo laabatay4

Hoos ka dawaa madaxweynaha oo shir-saxaafadeed ku qabtay Madaarka Cigaal.

bandhige@gmail.com