Madaxweyne Siilaanyo oo kulamo la yeeshay dadweynaha reer Ceerigaabo, booqdayna cusbitaalka guud, kana qayb-galay xaflada qalin-jebinta Jaamacada Sanaag

????????????????????????????????????

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayo oo socdaalka ku maraayey Goboladda Beriga ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay wax-garadka, waayeelka, dhallinyaradda iyo maamulka gobolka Sanaag dhismaha waddada Ceerigaabo oo dhismahaa badh la dhisay.

Dhinacyada uu la kulmay madaxweynuhu waxay ku dhiiri-geliyeen madaxweynaha, iyo Guddida waddada Ceerigaabo in aanay ka caajisin, dedaalka iyo kartida ay ku dhaqaajiyeen wajiga koowaad ee waddada Ceerigaabo, taas oo uu madaxweynuhuna ka balan qaaday in uu bar-bar taagnaanayo sidii loo dhamaystiri lahaa Waddada.

Shirka ka dib waxa uu Madaxweynuhu ka qaybgalay  xaflada qalin-jebinta ardayda Jaamacadda Sanaag, halkaas uu Madaxweynuhu shahaadooyin gudoonsiiyey ardayda dhamaysatay kuliyadaha kale duwan. Ka qayb-gal xaflada qalin-jebin Madaxweyne Siilaanyo ayaa noqonaysa tii ugur horeysay ee uu ka qayb galo.

sidoo kale waxa uu madaxweynuhu booqday cusbitaalka guud ee Ceerigaabo halkaas oo uu dhammaan soo wada salaan bukaankii jiifay, una duceeyey in Ilaahay caafimaad siiyo.

ugu danbayna waxa Madaxweyne Siilaanyo iyo weftiga uu hoggaaminayaan ku soo hoydeen xalay Burco.

Safarka Madaxweynaha ayaan la ogolayn in uu maanta ku soo guryo noqon doono Hargeysa iyo in kale.

 

bandhige@gmail.com