Madaxweyne Siilaanyo oo kulan la qaatay saddexda xisbi iyo Komishanka, diwaangelintii oo bilaabmaysa January

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed “Siilaanyo” ayaa maanta kulan dhiirigelin ah la qaatay saddexda xisbi iyo Komishanka doorashooyinka qaranka si loo dardargeliyo diiwaangelinta codbixiyaha.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan oo warfidiyeennada la hadlay wax yar kadib kulanka madaxweynaha iyadoo ay barbar taagan yihiin madaxda saddexda xisbi ayaa sheegay in ay wax walba diyaariyaan isla markaana ay diiwaangelintii bilaabi doonaa January 2016.

Guddoomiye Cabdiqaadir wuxu sheegay in diiwaangelintu ka bilaabmi doonto gobolka Togdheer, jadwalka loo dejiyeyna ay saddexda xisbi ku heshiiyeen raalina ka wada yihiin.

Madaxweyne Siilaanyo oo shirar gooni-gooni ah iyo mid guudba la qaadanayey Komishanka iyo asxaabta qaranka ayaa sida muuqata ku dedaalaya sidii aanay doorashooyinku mar labaad dib ugu dhici lahayn una qabsoomi lahaayeen wakhtiga loo muddeeyey oo ah 28-ka March 2017-ka.

Hoos ka daawo muuqaalka shirka iyo shir-saxaafadeedkii ka dambeeyey: