Madaxweyne Siilaanyo oo la filayo in uu socdaal ugu ambabaxo Gobolka Awdal

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saaka socdaal ugu ambabixi doona Gobolka Awdal oo ay ka jirto abaar baahsan oo saameysay dad iyo duunyaba.

Sida ay tibaaxayaan ilo-wareedyo ka ag dhow Madaxtooyadu, ujeeddada safarka Madaxweyne Siilaanyo waxa ugu weyn in uu ka qayb galo qalin-jabinta difcadda 14aad ee Jaamacadda Cammuud.

Safarka Madaxweynuhu wuxu ku soo beegmay wakhti ay jiraan cabashooyin ay qabaan xildhibaannada Gobolka Awdal ugu jira Golaha Wakiillada kuwaas oo salguu ka muujiyey xeer la rabay in loo sameeyo Golaha Wakiillada si aanay u iman dib-u-dhac dambe oo doorasho.

Arrimaha kale ee safarka Madaxweynaha horyaalla waxa ka mid ah suldaanka Somaliland ku kacsan ee la yidhaa Abuubakar Cilmi Wabar iyo abaaraha saameeyey deegaanada galbeedka.

 

Sidoo kale ardayda jaamacadaha ayaa laga yaabaa in ay Madaxweynaha la soo qaadaan waxa uu mustaqbalkoodu noqonayo qalin-jabinta dabadeed iyadoo ay weli shaqo la’aan taagan yihiin arday badan oo hore jaamacadaha dalka uga qalinjabisay.

bandhige@gmail.com