Madaxweyne Siilaanyo wuxu la kulmay Jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ayaa xalay kulan wakhti dheer qaatay la qaatay marti-sharaf laga soo xulay jaaliyadaha Somaliland ee Ingiriiska.

Kulanka Madaxweynaha waxa ku wehelinayey madax kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Caafimaadka Xaglotoosiye, Wasiirka Warfaafinta Cukuse, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi, Guddoomiyaha Xafiiska Maamul-Wanaagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar iyo Maayar-Xigeenka Hargeysa.

Madaxweynaha oo madasha ka akhriyey khudbad socotay ku dhawaad shan daqiiqo wuxu jaaliyadda warbixin ka siiyey sidii uu u dhacay safarkii uu ku tagay Ireland kadib markii uu madaxda dalkaas martiqaad rasmi ah ka helay.

Safarkaas madaxweynuhu wuxu ku tilmaamay in uu ahaa mid guul ku soo dhammaaday Somaliland sumcaddeedana kor u qaaday. Madaxweynuhu wuxu niyadsami ka muujiyey xidhiidhka Somaliland iyo Ireland oo uu ku tilmaamay in uu noqon doono mid sii xoogaysta siina jira mustaqbalka.

Madaxweyne Siilaanyo kulan jaaliyadda2

Madaxweyne Siilaanyo kulan jaaliyadda3

Dhanka kale Madaxweynuhu wuxu aad ugu ammaanay qurbejoogta Somaliland doorka ay mar kasta ka qaataan horumarinta arrimaha muhiimka ah ee ka jira Somaliland. Waxanu carrabka ku adkeeyey sida loogu baahan yahay in dadka reer Somaliland isku duubnaado si wadajir loogu difaaco qaddiyadda Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland aalaaba mar kasta oo Ingiriiska booqdo wuu la kulmaa jaaliyadda Somaliland. Jaaliyadaha Ingiriiska ee Somaliland ayaa lagu tilmaamaa in ay yihiin qaar aad u firfircoon mar kastana u soo jeeda danaha Somaliland iyo meel-marinta qaddiyadda Somaliland.

Guulihii u dambeeyey ee ay jaaliyadahani gaadheen waxa laga xusi karaa ictiraafkii ay ka keeneen magaalooyinka Shefield iyo Cardif.

Bandhige@gmail.com