Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay guddiga dib u habaynta siyaasadda dhulka

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta magacaabay guddiga dib u habaynta siyaasada dhulka oo ka koobana 12 Wasiir.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda ayaa waxa uu dhignaa sidan:

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/MG/081/1-3495/082015 ku magacaabay guddida Hawsha Diyaarinta Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka oo ka kooban 12 wasiir.

Digreetada madaxweynaha:-

Ujeeddo:          Magacaabid Guddi

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reermiyiga           

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Beeraha

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Biyaha

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, ee uu dhigayo Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, dhulku waa hanti guud oo ka dhexeeya ummadda, mas’uuliyadiisana dawladda ayaa xil ka saaran yahay.

Haddaba, waxa muuqata in dhulkii Jamhuuriyadda Somaliland si sharciga baalmarsan loogu tagrifalayo. Sidaas darteed, waxaan idiin magacaabay Guddida Diyaarinta Qabyo-qoraalka Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka Somaliland.

Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan Hawlsha Diyaarinta Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka.

ALLAA MAHAD LEH

   Axmed Saleebaan Dhuxul

Afhayeenka Madaxtooyada JSL