Madaxweyne Siilaanyo oo munaasibadda 26-ka Juun dadweynaha Somaliland u diray farriin hambalyo ah

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed “Siilaanyo” ayaa dadweynaha reer Somaliland u diray hambalyada 55-guurada maalintii ay Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingriiska, 26 June 2015.

Muuqaal cod ah oo Xafiiska Warbaahinta ee Madaxtooyadu warbaahinta la wadaagay ayaa haddalladii madaxweynuhu waxa ay u dhignaayeen sidan:

“Bismillah. Maanta waa 26-kii Juun. Waxan u dabaaldegaynaa 55 sanno oo ka soo wareegay maalintii aynu xoriyaddeenii ka qaadanay England (Ingiriiska).  Dadka Somaliland in badan ayay ku taamayeen oo ay u soo dagaalameen oo u soo halgameen xorriyaddooda. Maanta dunida waynu ka tirsan nahay. Inkastoo aynaan haysan ictiraaf rasmi ah haddana dunidu way inala shaqaysaa,  waxna way inala qabtaa, ictiraafkuna meel wanagsana ayuu inoo marayaa. Waxayna ku xidhan tahay dadaalkeena, dadnimadeena iyo wada-jirkeena in aynu dunid u muujino marba halka aynu marayno oo aynu ku xoogaysano, oo qaranimadeena waajibka innagu ah ku faano. Sidaa daraadeed waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan shacbi-weynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaan. Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu bashbash iyo barwaaqo inagu gaadhsiiyo sannadka sanadkiisa, insha’allaah. Ilahay waxaan ka rajaynayaa in uu ina siiyo aqoonsi.”

Dhanka kale, maanta waxay ku eg tahay 5 sanno ka hor markii Madaxweyne Siilaanyo la doortay waxayna ku soo beegantay iyadoo ay weli wax ka jiraan khilaafkii ka dhashay muddo-kordhintii ay Madaxweynaha u sameeyeen xildhibaannada Golaha Guurtidu 11-kii May.

Bandhige@gmail.com