Madaxweyne Siilaanyo wuxu tacsi u diray qoyskii ganacsade Ibraahim-Dheere ka baxay

War-saxaafadeed gelinkii dambe ee maanta ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu baahiyey tacsi uu madaxweyne Siilaanyo u dirayo qoyskii, asxaabtii, ehelkii iyo dhammaan qaranka Somaliland geerida ku timid ganacsadihii waynaa Ibraahim Cabdi Kaahin “Ibraahim-Dheere.”

Ibraahim-Dheere ayaa muddo dheer ahaan jiray ganacsadaha ugu weyn Jabuuti iyo Somaliland. Wuxu ka soo qayb-qaatay dib-u-dhiskii, dib-u-nabadayntii iyo kobicii dhaqaalaha ee dalka sida uu Madaxweyne Siilaanyo tacsidiisa ku sheegay. Sidoo kale Ibraahim-Dheere wuxu ahaa qofkii bixiyey kharashkii 1994 lagu soo sameeyey lacagta Somaliland kaas oo dhammaa 5 Milyan oo Doollar.

War-saxaafadeedka madaxtooyada oo dhammaystirani wuxu u dhigan yahay sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa guud ahaan Ganacsatada Dalka, wax-garadka, Aqoonyahanka, Waayeelka, Madax-dhaqameedka, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, iyo Shacbiga Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid alle ha u naxariistee Marxuum Maalqabeen Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) oo ka mid ahaa tijaarta waa weyn ee laga yaqaano guud ahaan Geeska Afrikaba kuna geeriyooday Dalka Jamhuuriyada Jabuuti maanta 12.11.2015.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale Tacsi taasi la mida u dirayaa Xukuumada iyo Shacbiga reer Jabuuti isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida marxuumka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay ruug cadaa ku xeel dheeraa arrimaha ganacsiga. Sidoo kalena dedaal dheeraada ka geystay Horumarinta Qaranka Somaliland gaar ahaan xaga Nabadgelyada, Arrimaha Bulshada, iyo kobaca dhaqaalaha.

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii janatu-fardawsa ka waraabiyo, Ganacsatada Dalka, wax-garadka, Aqoonyahanka, Waayeelka, Madax-dhaqameedka, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii Asxaabtii, Ubadkii, Xaasaskii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

   Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.