Madaxweyne Siilaanyo oo Wasiir-Xigeen magacaabay midna beddelay

Mowliid Maxamuud Ibraahim oo hore u ahaan jiray Wasiir-Xigeenka Arrimaha Dibedda, maanta laga bilaabo wuxu ahaanayaa Wasiir-Xigeenka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Cilmibaadhista, jagadiisiina waxa loo magacaabay Axmed Aadan Ismaaciil “Keyse.”

Sidaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed mar dhaw ka soo baxay qasriga madaxtooyada. Madaxweyne Siilaanyo ma sheegin sababta uu Mowliid ugu beddeley wasaarad meeqaam ahaan tiisii ka hoosaysa.

War-saxaafadeedka oo dhammaystiran hoos ka akhristo.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3392/062015, ku magacaabay wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda Somaliland, isaga oo wasiir ku xigeenkii horena u bedelay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu goโ€™aansaday

In Mudane, Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Beddel (Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah)
Wuxuu goโ€™aansaday

In Mudane, Mawliid Maxamuud Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.