Madaxweyne Siilaanyo oo xadhiga ka jaray dhismayaal loo dhisay ciidamada Qaranka

????????????????????????????????????

Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo” ayaa waxa uu xadhiga ka jaray mashaariic laga hirgeliyey Miiska Saraakiisha, oo ay ka mid yihiin dhismayaal, garoon kubbadeed iyo mashaariico kale oo badan.

Ugu horayna waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray waddo laami ah oo dhan 700 Miter  kuna wareegaysa miiska saraakiisha guddihiisa iyo dugsi lagu baran doono luqadaha loona dhisay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta Saraakiisha.

Madaxweynaha oo sii watay furista mashaariicaha kala duwan ayaa xadhiga ka jaray guryo cusub oo loo dhisay hurimaha ciidanka gaar ahaan kuwa baanboyda tuma, kuwaas oo ay seexan doonaan ama hoy u noqon doonno.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray garoon casriya oo loo dhisay in saraakiisha iyo ciidamadu ku ciyaaraan ugu yaraan afar ciyaaroood oo kala duwan wakhtiga nasashada si looga ilaaliyo saraakiisha in ay isticmaalaan balwadaha kala duwan ee uu qaadku ka mid yahay.

Furitaanka iyo kormeerkaa ka dib waxa Madaxweynaha warbiximo ka siiyey Taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil Shaqale iyo Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Axmed Xaaji Cali “Cadami” oo ku dheeraaday dedaalka iyo horumarka ciidanka qaranka Somaliland ku talaabsaday muddooyinkii u danbeeyey.

Madaxweynha oo ugu danbayn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi:

“Farxad weyn bay ii tahay in aan maanta halkan Miiska saraakiisha imaado oon furo mashaariicahaa kala duwan ee qiimaha iyo qaayaha weyn leh, saraakiishu waa waxa aanu ku faanayno ee Ciidanka iyo Qarankuba ku faano, waana waxa dalka iyo dadkayagaba daafaca, waa wax aanu annaguna aad iyo aad ugu faano oo qiimo weyn iyo qaayaba inoo leh, farxad weyn ayey nootahay in aanu ka soo qaybgalno xafladan, insha Allaa waxa aan rajaynayaa in aynu halkaa hore uga sii marno oo  hore uga sii talaabsano, ciidankeenuna in halkaa iyo meel ka sii wanaagsanba uu u sii talaabsado ayaan illaahay ka rajaynaynaa.”

Halkan hoose warka xadhig ka jaradida Madaxweyne Siilaanyo ee Miiska Saraakiisha:

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

 

bandhige@gmail.com