Madaxweyne Siilaanyo oo xadhiga ka jaray shaybaadh hubinaya tayada shidaalka soo gala Somaliland

Madaxweyne Siilaanyo oo ka qaybgalay xafladdii furitaanka shaybaadhka shidaalka

Laga bilaabo maanta shidaalka Somaliland waa nadiif waana la isku hallayn karaa. Sidaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu baahiyey Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafadda Madaxtooyada Naasir Yuusuf “Naska” kadib markii uu Madaxweyne Siilaanyo xadhiga ka jaray shaybaadhkii ugu horeeyey ee noociisa ah ee laga yagleelo Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo ku gudojira safar uu ku joogo gobolka Saaxil gaar ahaan Berbera wuxu xalay ka qaybgalay xaflad heer sare ah oo ilyartu is qabatay, taas  oo  xadhiga  lagaga jaray shaybaadhkan casriga ah oo lagu baadhi doono tayada shidaalka dalka soo gala.

Haamaha1

????????????????????????????????????

Madaxweyne Siilaanyo oo hadal kooban ka jeediyey xidhitaankii xafladda wuxu sheegay in uu ku faraxsan yahay sidii Berbera loogu soo dhaweeyey wuxuna hambalyeeyey Mareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Sheekh Saleebaan oo hormood ka ahaa hirgelinta shaybaadhkan. Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo wuxu ka-qayb-galayaashii iyo dadweynaha reer Berbera kula dardaarmay in ay meel uga soo wada jeedsadaan nabadgelyada dalka.

Mareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka, Sheekh Saleebaan Cali Siciid, wuxu hadal dheer ka jeediyey xafladdii furitaanka. Ugu horrayn  wuxu uga mahadnaqay maamulka gobolka Saaxil iyo guud ahaan madaxda dalka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Somaliland iyo Marwada Koowaad ee Qaranka sidii ay hawshan ugu garab galeen.

Maareeye Saleebaan wuxu faah-faahin ka bixiyey waxqabadka uu ku tallaabsaday intii uu hayey xilka Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera kaas oo uu ugu horreeyo shaybaadhka shidaalku. Sidoo kale waxa dib-u-dhis lagu sameeyey lana ballaadhiyey Haamaha Kaydka Shidaalka iyo laamiyada ku xidhiidhsan, waana la dhirreeyey oo waxa lagu beerayay geedo timkir ah oo sida maareeyuhu sheegay midhahooga la goosan doono 5ta sanno ee soo socota.

Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan “Cidin” iyo Guddoomiyaha Goblka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ayaa labadooduba u mahadnaqay Mareeyaha Haamaka Kaydka Shidaalka, kuna ammaanay waxqabadkiisa.

Maareeyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Cali Biikalo oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in shaybaadhkan shidaalku noqonayo wax ay Somaliland dheer tahay waddamada jaarka ah, hirgalinteedana wuxu uga mahadnaqay Madaxweynaha iyo Mareeye Saleebaan.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Qalabka shaybaadhkan shidaalka ayaa sida la sheegay waxa keentay oo rikibtay shirkad Kiiniyaan ah oo la yidhaa ISS wakiilna uu ka yahay muwaadin magaciisa lagu soo gaabiyey Kornayl Faarax.

Madaxdii kale ee xafladda hadallada ka soo jeedisay waxa ka mid ahaa Wasiirka Ganacsiga Dr. Muuse Qaasim, Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde, kuwaas oo soo jeediyey weedho guubaabin iyo mahadnaq isugu jiray.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

bandhige@gmail.com