Madaxweyne Siilaanyo waxa uu cisbitaalka ku booqday Abwaan Cali Sugule

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ku sugan Waddanka Imaraadka Carabta ayaa waxay cisbitaalka magaalada Cujmaan ku booqday Abwaanka weyn ee Cali Sugule Duncarbeed.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka warbixiyey booqashada uu abwaanka booqday ayaa waxa uu yidhi:

“Abwaan Cali Sugule Duncarbeed, ayaan maanta Cisbitaalka ugu imi oo aan ku soo booqday oo xannuun sanaaya Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu caafimaad siiyo, Cali Sugule waa nin weyn oo taariikhda meel ku leh oo hal abuur leh marka alle ha shaafiyo.”

Sidoo kale waxa iyaguna ka hadlay booqashada Abwaanka Cali Sugule Wasiirka Madaxtooyada iyo Safiirka Somaliland ee Imaraadka, waxayna alle uga baryeen in uu caafimaad sareecana siiyo Abwaan Cali Sugule.

Dhinaca kale Khadar Cali Sugule oo ku hadlaayey afka qoyska ayaa siweyn ugu mahadnaqay Madaxweynaha oo uu sheegay in uu mar kasta ka warhayay xaalada Abwaan Cali Sugule,  sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Safiirka Somaliland ee dalka Imaraadka Baashe Cawil iyo Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir “Cukuse” oo hore Abwaanka iyagoo Madaxweynaha matalaaya booqasho iyo tageeraba ugu yimi.

Halkan hoose ka muuqaalka booqashada Madaxweyne Axmed Maxamuud Siilaanyo ee Abwaan Cali Sugule “Duncarbeer”:

bandhige@gmail.com