Madaxweyne Siilaanyo waxa kormeeray wejigii koowaad ee waddada Ceerigaabo oo 150 kiilo mitir la dhameeyey

????????????????????????????????????

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayo oo socdaalka ku maraayey Goboladda Bergia ayaa soo kormeeray wejiga koowaad ee waddada isku xidha Burco iyo Ceergiaabo oo 150 kiilo mitir la dhameeyey.

Madaxweynuhu intii uu ku guda jiray Safarkiisan shaqo waxa uu soo dhawayn aad u balaadhan kala kulmay shacbiga ku dhaqan jiidaha u dhexeeya Burco ilaa Ceel-afweyn oo uu xalay u hoyday.

Dhismaha waddada Ceerigaabo ayaa wax weyn ka tari isku socodka deegaanadda ay marto oo dhib badan ka mudan jiray.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu kormeer ku tegay guud ahaan xarumaha shirkadaha gacanta ku haya waddada, isaga oo madaxweynuhu dhiirigeliyey shaqaalaha iyo masuuliyiinta u dib jirey Gobolka Sanaag ee go’doonka uu Gobolada dalka uga hadhay wado la’aan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta la filayaa inuu gaadho Ceerigaabo.

bandhige@gmail.com