Madaxweyne Siilaanyo waxa uu booqday bukaanka Cusbitaalka Burco

????????????????????????????????????

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayo oo safar komeer iyo xadhig ka jarid mashaariic hor-u-marineed ugu ambaxay Goboladda Beriga ayaa shalay soo booqasho ugu tegay bukaan cusbitaalka Burco kuna wareejiyey deeq xoolo ah.

Kormeerkan ayey u jeedadiisu ahayd xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin bukaanada kala duwan ee xanuunada u jiifa waadhadhka dhakhtarka kuwaas oo isugu jira caruur iyo cirooleba.

Madaxweynuhu ayaa mid mid bukaanadda u waraystey xaaladiisa caafimaad. Gebo gebadiina u duceeyey waxa uu in alle ka dulqaado xanuunada oo uu siiyo caafimaad taama.

Safarkan Madaxweynaha ee Goboladda Beri ayaa imanaysa goor uu muran siyaasaddeed ka taagan yahay waddanka.

 

bandhige@gmail.com