Madaxweyne Siilaanyo waxa uu dhagax-dhigay dhaam laga hirgalinayo Xumbo-weyne

????????????????????????????????????

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” waxa uu dhagax-dhigay dhaam weyn oo dhererkii lagu qiyaaso 500,000 Metric Cubic oo lagu hirgalinayo deegaanka Xumbo-weyne.

Dhaamka Xumbo-weyne laga hirgalinayo ayaa waxa waxa uu qaban doonaa biyaha buuraha ka soo rogmada ee badda ku shubmi jiray iyadoon dadku ka faa’iidaysan biyahaasi, waxaana loogu talo-galay in ay dadka deegaanku wax ku beertaan, dhinaca kalena uu kayd balaadhan u noqdo Hargeysa oo biyaha la gayn doono.

Madaxweyne Siilaanyo oo hadal kooban ka jeediyey dhagax-dhga ka dib ayaa sheegay in dhaamkani ahmiyad weyn u leeyahay dadweynaha deegaanka iyo dadka ku nool Hargeysa oo biyaha loo jiidi doono dhaamkan.

Dhaamka ayaa waxa maalgelisay Dawladda Imaaraadka Carabta  oo xidhiidh wanaagsan la leh dawladda Somaliland tan iyo intii dagaalka Yemeni bilaabmay.

bandhige@gmail.com