Madaxweyne Siilaanyo waxa uu dhagax-dhigay dhismaha Taliska Guud ee Ciidanka Booliska

????????????????????????????????????

Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaany” ayaa waxa uu maanta dhagax-dhigay dhisme cusub oo loo dhisi doono ciidanka Booliska.

Xarunta dhismaha cusub ee Taliska Booliska ayaa dawladda waxa ka caawinaya Dawladda Ingiriiska oo horen u dhistay xarunta ee haatan ku shaqeeyaan Booliska sannadkii 1936-kii qaybtiisa koowaad, halka qaybta labaadna ay dhiseen sannadkii 1942-kii.

Dhismahan cusub ayaa waxa lagu dhamaystiri doonaa muddo sannad ka yar.

Madaxweyne Siilaanyo oo  ka hadlay xaflada dhagax-dhiga ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaaa:

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan mashruucan muhiimka ah dhagax dhigo, aadna waxan ugu  mahadcelinayaa dawladda Ingiriiska iyo cid alle cidii innagala qaybgashay mashruucan dhismihiisa, muhiimad weynbuu u leeyahay Qaranka Somaliland illaahayna waxaan inooga rajaynayaa inuu guul weyn inaga gaadhsiiyo insha allaahu tacaala.”

Taliska Ciidanka Booliska ayaa waxa uu ahaa mid aad u duugoobay oo aad ugu baahan dacayir iyo in laga bineeyo dhisme cusub.

 

bandhige@gmail.com