War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda ayaa waxa lagu sheegay in uu Madaxweyne Siilaanyo ka aqbalay istiqaaladii Guddoomiyihii cusbaa ee u magacaabay Gobolka Maroodi-jeex Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro) oo iska casilay xilkaas.
War-saxaafadeedkaasi oo dhamaytiranina waxa uu u qornaa sida tan:
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu ka Aqbalay Istiqaaladii uu u soo gudbiyey Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex ee habeen horeย la magacaabay, waxaanu madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii hanan lahaa xilkaas, sida ugu habboon.
Waxaanu Madaxweynuhu kaga jawaabay Istiqaaladaas sidan:-
Ujeeddo:ย ย ย ย ย ย Aqbalaad Istiqaalad
Ku:ย ย ย ย ย Mudane, Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro)
Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Hargeysa
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudahaย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Hargeysa
Mudane,
Aniga oo ka duulaya shaqo ka-tagistaada xilka kor ku xusan ee aad warbaahinta ka sheegtay, waan soo dhaweynayaa, waanan kaa aqbalay iska-casilaaddaada.
Sidaas darteed, waxaan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.
ย
ALLAA MAHAD LEH
ย
ย Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.