Madaxweyne Siilaanyo waxa uu la kulmay ganacsatada waa weyn ee dalka

????????????????????????????????????

Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo” waxa uu maanta kulan la yeeshay Ganacsatada waaweyn ee dalka. Kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne-ku-xigeenka, Wasiiradda Arrimaha Guddaha, Madaxtooyada, Maaliyadda, W. Ganacsiga & Maalgashiga, W. Qorshaynta Qaranka, W. Duulista Hawada, Difaaca, Wasiiru-Dawlaha Madaxtooyada, Wasiiru-Dawlaha Amniga Qaranka, Madaxda Baanka Dhexe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda.

Ujeedada ugu muhiimsan ee kulanku wuxuu ahaa:

1)        In Xukuumaddu ay Ganacsatada Dalka kala hadasho doorka kaga beegan kor u qaadidda kalsooonida, aaminaada iyo adeegsiga Lacagta Shilinka Somaliland iyo sidii Xukuumad, Ganacsato iyo Shiciba la isaga kaashan lahaa ka hortagga qiimo dhaca lacagta  Somaliland.

2)        In war-bixin laga dhagaysto Guddidii uu Madaxweynuhu u saaray (03.12.2015) in ay xog buuxda  ka soo ururiyaan sicir-bararka, isla markaana ay ka soo talo bixiyaan wixii arrintaa lagu xallin karo.

Madaxweyne Axmed Silaanyo oo shirkan furay  wuxuu ugu horrayn Ganacsatada uga mahad-celiyey sida xurmada leh ee ay codsigiisa u ajiibeen ee ay kulanka uga soo qayb galeen, waxana uu yidhi:

“Mudanayaal, Sharaf weyn bay ii tahay in aan maanta idiinku yeedho kulankan qaybo ka mid ah ganacsatadiinii dalka. Shirkan waxa ay ujeeddadiisu tahay in aynu isku dhiiri-gelino isticmaalka lacagteena, isla markaana war-bixin ka dhagaysanno Guddidii aan u saaray in ay ka soo talo-bixiso sicir bararka iyo qiima-dhaca shillinka Somaliland. Sida aad la socotaan dal kasta wuxuu leeyahay calan iyo cumlad u gaar ah. Haddaba, Qarankani lacagta uu leeyahay waa shillinka Somaliland. Sidaa darteed, ummad ahaan waxa waajib inagu ah in aynu aamino oo ilaalino qiimaha ay leedahay. Waa ceeb iyo quudh in aynu lacagteenii ka cararno ama isticmaali wayno Shacbi iyo Dawladba. Arrintani maaha mid la aqbali karo, mana aha mid dib loogu dulqaadan karo.”

Madaxweyne Axmed Silaanyo mar uu Ganacsatada Dalka kala hadlayey doorka uga bannaan kor u qaadidda kalsooonida Lacagta Qaranka wuxuu yidhi:

“Mudanayaal, Ganacsatada halkan fadhida  iyo kuwa maqanba ka codsanayaa in ay nagu gacan siiyaan sidii qarankan lacagtiisa loo aamini lahaa, loona isticmaali lahaa. Waxaan idinka rajaynayaa in aad hormood ka noqotaan meel marinta mashruucan lagaga hortagayo qiima dhaca shillinka Somaliland. Isticmaalka, qiime u yeelidda iyo aaminaada lacagteenu waa talaabooyinka ugu mudan ee Xukuumad ahaan aannu Sannadkan (2016-ka) xaqiijinayno Insha Allaahu. Waxaan Ganacsatada halkan fadhida  iyo kuwa maqanba ka codsanayaa in ay nagu gacan siiyaan sidii qarankan lacagtiisa loo aamini lahaa, loona isticmaali lahaa.”

Madaxweyne Axmed Silaanyo isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi:

“Mudanayaal, Qiime u yeelidda iyo aaminaada lacagta dalkeenu waa siyaasad Qaran oo u baahan in si buuxda oo dhammaystiran la isu garab taago. Haddaba, si siyaasadan loo meel mariyo, waxay Guddidii aan u saaray arrintaas ay ka soo jeedin doonaan warbixin iyo go’aamo. Waxaan idinka rajaynayaa in aad hormood ka noqotaan meel marinta mashruucan lagaga hortagayo qiima dhaca shillinka Somaliland. Sidoo kale waxaanu dhiniciina soo dhaweynaynaa wixii talo iyo tilmaamo ah ee wax lagu toosinayo. Waxaan soo dhaweynayaa wixii dhaliilo ah ee aad Xukuumaddayda u soo jeedinaysaan.”

Madaxweyne Axmed Silaanyo mar uu Ganacsatada Dalka kala hadlayey doorka ay ku leeyihiin dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Qaranka wuxuu yidhi:

“Mudanayaal, Maamulkaygu wuxuu garwaaqsan-yahay in ganacsatadu tahay laf-dhabarta horumarka, door weyna ay ka qaataan shaqo abuurka, dib-u-dhiska, adkaynta amniga iyo koboca dhaqaalaha dalka. Sidaa darteed, aniga oo munaasibadan ka faa’iidaysanaya waxaan jecelahay in aan idinku hambalyeeyo hal abuurka iyo himilooyinka Qaran ee aad hirgaliseen. Isku-duubni, dedaal iyo dal-jacayl ayaa inoo dardaaran ah.”

Tan iyo intii uu Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyey khudbadiisii sannadlaha ahay laba gole Qaran ee baarlamaanka iyo Guurtidda waxa hoos u dhac weyni ku yimid sarifka lacagta doolarka iyo somalilan shilinka, inkastoo ay maceeshadu tahay mid qaali ah.

bandhige@gmial.com