Madaxweyne Siilaanyo waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay wasiir ka socda dawladda Ingiriiska

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hogaaminayo Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka hor-u-marinta caalamiga ah Grant Shapps, oo ay wehelinayso safiirka Somaliland iyo Somaliya u qaabilsan Ingiriiska fadhigeeduna yahay Adis-ababa Harriet Mathews.

Kulanka ayaa ahaa mid lagaga wada hadlay xidhiidhka qotada dheer ee u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska ayaa lagu soo qaaday xidhiidhka wada shaqayneed ee dhinacyada nabad-gelyada mandaqada Geeska Afrika, xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee labada dalka ka dhexeeya.

Gebo gebadii kulankan ayaa waxa la kala saxeexday heshiis la xidhiidha kaalmada ingiriisku ka geysto sanduuqa hor-u-marinta Somaliland (SDF), iyo Mashaariico horleh oo ay ka mid yihiin biyo gelinta dalka, Laydka iyo tamarta.

heshiiskan labada dal ayaa waxa u kale sexeexay wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka Ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka hor-u-marinta caalamiga Grant Shapps.

bandhige@gmail.com