Madaxweyne Siilaanyo waxa uu saaka khudbad sannadeedkii uu jeedinayaa Guurtida iyo Wakiilada

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa saaka la filayaa in uu khudbad sannadeedkii ka jeediyo laba gole ee Guurtida iyo Baarlamaanka oo la isku daray.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa waxay shalay codsadeen in la ogolaado in Madaxweynaha su’aalo la waydiiyo, balse dhinaca xildhibaanada muxaafidka ayaa ka soo horjeestay go’aankaas.

Khudbadan ayaa waxay noqonaysaa khudbadii ugu horeysa ee uu Madaxweyne Siilaanyo u jeediyo laba Gole.

Dadweynaha ayaa waxay ka dhursugayaan Madaxweynaha in uu ka hadlo arrimaha sicir bararka uu Madaxweynuhu Guddi u saaray, balse wali uu sicir barara sii socda uu saameeyey guud ahaan xaaladda nololeed ee bulshada.

Sidoo kale waxa la filayaa in uu Madaxweyne Siilaanyo ku soo hadal qaado khubdadii diwaangelinta codbixiyaha oo dhowaan ka bilaabmi doona Somaliland.

bandhige@gmail.com