Madaxweyne Siilaanyo wuxu digreeto ku soo saaray in la illaaliyo hantida guud

 

Xukuumadda Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” oo wakhtigeedii muddo bilo ah ka hadhsan tahay ayaa waxa uu Madaxweynuhu digreeto ku soo saaray illaalinta hantida guud.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxweynaha, war-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sida tan: 

Shir aan caadi ahayn oo ay golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland maanta oo ay taariikhdu ahayd 10/06/2017 ay yeesheen shir gudoominayeyna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa lagaga hadlay arrimo dhawra oo ay ka mid ahaayeen sidii loo ilaalin lahaa hantida qaranka, madaama oo ay masuul walba ka saaran tahay masuuliyad gaari ilaalinta iyo dhawrista hantida danta guud ahi.

Waxaanu madaxweynuhu si gaara golaha wasiirada u faray inay dhawraan oo ay ilaaliyaan nidaamka dawladnimo astaamihiisa, sida dhammaan gaadiidka dawlad, waxaana ka madnuuca in lagu xidho nambarka shacab gaadiidka dawladda, iyadoo uu madaxweynuhu faray in gaadhiidka dawladda lagu xidho namberka dawlada (GT) laguna xareeyo nambarka shacabka wasaaradda hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka. Go’aankaa golaha wasiiradana waxa dabagalkeeda u xilsaaran wasaarada hawlaha guud, gaadiidka & guryeynta iyo ciidamada amniga.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada JSL, ahna

Ku simaha Af-hayeenka.