Madaxweyne Siilaanyo wuxu ka qayb-galay xuska Maalinta AIDS-ka Adduunka

????????????????????????????????????

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” wuxu maanta ka qayb-gala xaflad si weyn loo abaabulay oo lagu xusayey Maalinta AIDS-ka Adduunka.

Madaxweyne Siilaanyo waxa xafladda ku wehelinayey raxan ka mid ah wasiirrada qaranka iyo af-hayeenkiisa gaarka ah.

Madaxweyne Siilaanyo wuxu meesha ka jeediyey khudbad dheer oo la xidhiidha sida ay Somaliland ula tacaasho xakamaynta xanuunka iyo qorshaha ay ka damacsan tahay mustaqbalka.

Madaxweynuhu wuxu shahaadooyin-sharaf guddoonsiiyey agaasimaha Hay’adda Dawliga ah ee Xakamaynta AIDS-ka “SOLNAC” Cabdi Cali iyo xubno kale oo dedaal ka muujiyey la dagaalanka AIDS-ka.

????????????????????????????????????

 

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Siilaanyo AIDS Day 5