Madaxweyne Siilaanyo wuxu ku soo guryo noqday Hargeysa 

 

Weftigii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” horkacay ee maalmahan ku sugnaa Imaaraadka Carabta ayaa dalka ku soo laabtay saaka subaxnimadii hore.

Madaxweynuhu wuxu ku maqnaa fasax isaga u gaar ah, kaasi oo uu ku qaatay, sidoo kalena waxa uu Siilaanyo maray qaliin fudud.

Madaxweynuhu waxa uu salaan sharaf kaga qaatay qasriga madaxtooyada cutubyo ka mida ciidamada qaranka Somaliland, ka dibna waxa saxaafadda la hadlay afhayeenka Deyr.

 

bandhige@gmail.com