Madaxweyne Siilaanyo wuxu la kulmay Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa goor dambe oo maanta ah si diirran loogu qaabilay qasriga madaxtooyada Itoobiya.

Madaxweyne Siilaanyo waxa ay kulan soconayey saacad wada qaateen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Xayle-Maryam Deselayn iyo xayn wasiirro Itoobiyaan ah oo kulanka ku wehelinayey.

Madaxweyne Siilaanyo oo kulanka kadib saxaafadda la hadlay wuxu yidhi:

“Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya waxanu ka wada hadalnay danaha labada dal. Si wanaagsan ayaa naloo soo dhaweeyey. Waanan uga mahadcelinaynaa Itoobiya.”

Hase ahaatee Madaxweynuhu kuma uu sii daadegin qodobada gaar ahaan diirradda la saaray iyo sababta keentay kulankan labada hoggaamiye.

Kulankani wuxu ku soo beegmay iyadoo ay maalmihii u dambeeyey safaaradda Itoobiya joojisay fiisooyinkii ay siin jirtay reer Somaliland si ay dalkeeda u galaan.

Dhinaca kale waxa kulan xiiso leh qaatay Marwada Koowaad ee Qaranka Aamina-Weris Sheekh Maxamed iyo Marwada Koowaad ee Itoobiya Roomaan Tasfaaye.

Maxamed Jaama Dhiif, weriyaha Telefishanka Qaranka u fadhiya Itoobiya, wuxu soo weriyey in labada marwo ay ka wada hadleen sidii ay haweenka Somaliland iyo kuwa Itoobiya ay mustaqbalka xidhiidh iskaashi oo dhinaca horumarka ah u yeelan lahaayeen.

Weftiga oo Axaddii ka degay Addis Ababa waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Amina Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali, Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia Amb. Aadan Jaamac Galaal.

Hoos ka daawo muuqaalka kulanka labada hoggaamiye: