War-saxaafadeed goor dambe oo caawa ah ka soo baxay Xafiiska Xogyaha Gaarka ah ee Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Safiir-Xigeenka Masar u fadhiya Jabuuti uu kulan la yeeshay Somaliland. War-saxaafadeedkii oo dhammaystirani wuxu u dhigan yahay sidan hoose:
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley Safiir ku Xigeenka Masar u Fadhiya dalka aynu deriska nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti Amb. Maxamed Al Amiir oo Maalmihii u danbeeyay hawlo shaqo u joogay Dalka Somaliland.
Hargeysa()08-09-2015:- kulankan oo ay ku wehelinayeen dhakhaatiir masaari ah oo ka kooban 15 xubnood mudana ka waday hawlo shaqo cusbitaalka guud ee Hargeysa, ayaa madaxweynuhu ku qaabiley xafiiskiisa isaga oo madaxweynuhu uga waramay xaalada guud ee dalka iyo halkii ay ka soo bilaabeen Arrimaha caafimaadka ee ay maanta dalka u yimaadeen iyo halka uu hada maraayo oo ah mid alle loogu mahadiyo.
kulanka ka dibna waxa saxaafada uga warbixyey ujeedada kulanka wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xagla-toosiye oo ugu horaynba u mahadnaqay shacbiga iyo dawlada masar sida ay ugu dedaalayaan in ay wax u qabtaan shacbiga somaliland, waxa kale oo uu sheegay wasiirku in ay si buuxda ulashaqaynayaan dhakhaatiirta inta ay joogaan dalka.
waxa kale oo uu sheegay wasiirku in ay labada dal iska kaashan doonaan dhinaca horumarka, Nabadgelyada, waxbarashada, Caafimaadka IWM ee ay iska kaashan karaan labada Dal.
sidoo kale waxa ay kulan la qaateen intii ay ku guda jireen Qasriga madaxtooyada Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna ku qaabiley xafiiskiisa ugana mahadnaqay weftiga sida ay isu xilqaameen ee ay ugu shaqaynayaan shacbiga Somaliland iyaga oo tabarucaad ama bilaash ku dawaynaaya bulshada Somaliland.
ugu danbayna weftiga oo uu afkooda ku hadlaayey safiir ku xigeenka Masar u qaabilsan Jabuuti Mr. Maxamed Al Amiir ayaa ka mahad celiyey sida sharafta iyo karaamada leh ee ay bulshada iyo xukuumada Somalilandba u qaabileen weftigooda, isaga oo ku dheeraaday inay ka masar ahaan ku dedaali doonaan xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal iyo shacbigaba, halkaana ka sii wadidoonaan dedaalada ay ka wadaan gudaha somaliland ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, iyo xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dhianac, waxaanay madaxweynaha gudoonsiiyeen hadyad ay ugu talogaleen weftiga masaaridu.
waxaana kulankan madaxweynaha ku wehelinaayey
Wasiirka Caafimaadka, Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye
Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis
Wasiirka Madaxtooyada Mudnae Xirsi Cali Xaaji Xasan
Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.