Madaxweyne Siilaanyo wuxu Laascaanood dhagax-dhigay mashaariic muhiim ah maalintii u dambaysay muddo-xileedkiisii doorashada ku salaysnaa

Madaxweyne Siilaanyo wuxu Axaddii safar ku tagay Laascaanood isaga hoggaaminaya wefti balaadha. Sida ku dhigan war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Saxaafadda Madaxtooyada madaxweynuhu waxa uu dhagax dhigay mashaariic muhiim ah oo ay ka mid yihiin dhaam biyood iyo ceel la filayo in dadweynaha Laascaanood iyo xoolaha lagu dhaqdo deegaanka ku hareeraysan ay biyo macaan ka cabi karaan.

Waxa kale oo uu madaxweynuhu dhagax-dhigay saldhig bilays iyo waddooyin isku xidhi doona qaybaha magaalada. Sidoo kale Madaxweynaha iyo safarkiisu waxay kormeereen waddooyin hor leh oo 4km ah hawshii daamurkuna ay socoto.

War-saxaafadeedka madaxtooyada ka soo baxay wuxu mashaariicdan ku macneeyey mashaariicdii ugu muhiimsanayd ee abid laga fuliyo Laascaanood.

Dadweyne badan ayaa u arka safarka madaxweynaha ee Laascaanood mid kor u qaadaya sumcadda xukuumadda iyo qaranka ee la xidhiidha sugidda xuduudaha Somaliland.

Hase ahaatee mucaaridka Somaliland ayaa Madaxweynaha ku eedcaynaya in uu safar u baxay wakhti dalku qalalaase siyaasadeed ku jira.

“Waxa dhaqan u noqotay mar kasta oo werwer siyaasadeed jiro in uu safar kan oo kale ah u baxo. Kharash badan ayaa ku baxaya oo lixdan Landcruiser ayuu kaxaystay. Wuxu dhagax-dhigay mashaariic $500 milyan ku baxayaan oo aanay waxba ka suuroobay” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen, Musharaxa Madaxweynenimada ee Xisbiga UCID, oo qoraal kooban ku daabacay boggiisa Facebook-ga.

Jamaal go’aanka Madaxweynaha ee safarkiisa la xidhiidha wuxu ku tilmaamay mid dhayalsi ah oo sababi kara dhibaatooyin siyaasadeed.

Madaxweyna Siilaanyo ayaan weli la shaacin wakhtiga uu Hargeysa ku soo laabanayo. Sidoo kale meelaha uu booqanayo iyo jadwalkiisu waxa ay u badan yihiin qaar sir ah.

Hoos ka akhriso warar la xidhiidha warkan:

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa ka warbixiyay dayactirka dhismaha waddada isku xidha Hargesa iyo Sheekh

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xadhiga ka jaray waddada u dhexaysa Hargeysa iyo Berbera

Madaxweyne Siilaanyo wuxu markii ugu horaysay ka hadlay khilaafka siyaasiga ee ka abuurmay muddo-kordhintii Golaha Guurtida

Bandhige kala soco wixii hadba ka soo kordha safarka madaxweynaha.

Bandhige@gmail.com