Madaxweyne Siilaanyo wuxu maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Jabuuti

Wakaaladda wararka ee xukuumadda ayaa hadda baahisay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” uu goor dhawayd Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay safiirka cusub ee Jabuuti dhawaan u soo magacowday Somaliland, Danjire Cumar Xuseen.

Kulankan waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici” iyo xubno wasiirro ah.

Madaxweyne Siilaanyo oo hadal soo-dhaweyn ah halkaas ka jeediyey ayaa sheegay in Somaliland iyo Jabuuti ay yihiin laba dal oo walaalo ah isla markaana uu ka dhexeeyo iskaashi dhinacyo badan taabanaya. Waxaanu Madaxweynuhu xusay in uu safiirkan cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u  soo magacawday Somaliland ay xukuumad ahaan garab ku siin doonaan wixii hawl gudasho ah ee uu uga baahdo.

Safiirka cusub ee Jabuuti, Danjire Cumar Xuseen Kawaaliye ayaa dhankiisa Madaxweynaha uga mahadceliyay sida qiimaha leh ee uu u soo dhaweeyay isla markaana ugu qaabilay Qasriga Madaxtooyada taas oo muujinaysa ayuu yidhi xidhiidhka qotoda dheer ee u dhexeeya labada dal isaga oo intaas ku daray in uu sii horumarin doono cilaaqaadka iyo wada-shaqaynta labada dal.

Kulanka Madaxweynaha kadib, waxa safiirka hadhimo-sharafeed u sameeyey Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji.

Hoos ka akhriso warar hore oo la xidhiidha safiirka Jabuuti.

Wasiirka Warshadaha Somaliland wuxu qado-sharaf Ceelginiiseed ugu sameeyey Safiirka Jabuuti

La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda iyo masuuliyiin Reer-Gabiley ah oo soo dhaweeyey magacaabista Safiirka Jabuuti

Safiirka Jabuuti oo dalka lagu soo dhaweeyey

Hoos ka daawo kulanka safiirka iyo Madaxweynaha iyo casho-sharafeedda Wasiirka Madaxtooyada.

Bandhige@gmail.com