Madaxweyne Siilaanyo wuxu magacaabay guddi hubisa cabashada Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye

War-saxaafadeed madaxtooyada Somaliland ka soo baxay xilliyadii dambe ee xalay oo uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Madaxtooyada Xuseen-Dayr, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland magacaabay guddi hubisa cabashooyin ay murashaxiinta Golaha Dhexe ee Kulmiye qaarkood ka qabaan hannaanka loo agaasimayo shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye oo la qorsheeyey in uu dhaco 10-ka November 2015.

Xubnaha Guddida oo ka kooban 5 qof, 4 ka mid ahi waxa ay ka kala tirsan yihiin laamaha dawladda halka ururrada bulshadana laga soo magacaabay hal xubin oo ah Agaasimaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta.

War-saxaafadeedka oo dhammaystirani wuxu u dhigan yahay sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/241-3670/112015 ku magacaabay Guddida Hubinta Arrimaha Cabashadu Ka taagantahay ee Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Xubnaha Gudida:-

Ku: Mudane, Xasan Axmed Aadan,
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

Ku: Mudane, Maxamed Faarax Xirsi,
Guddoomiyaha Akaadamiyadda Nabadda iyo Horumarka

Ku: Mudane, Axmed X. Cali Cadami,
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga

Ku: Mudane, Axmed Muxumed Madar,
Guddoomiyaha Guddida Maamul Wanaagga

Ku: Mudane, Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinnif),
Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda SOLNAC

Og: Hoggaanka Xisbiga KULMIYE
Og: Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE

Og: Murashaxiinta Ku tartamaysa Xisbiga KULMIYE Dhexdiisa

Ujeeddo: Magacaabid Guddida Hubinta Arrimaha Cabashadu Ka taagantahay ee Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye
Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, waxa Xisbiga KULMIYE dhexdiisa ka dhashay muran iyo cabasho la xidhiidha qaabka loo agaasimayo Shirka Golaha Dhexe ee u muddaysan 10/11/2015-ka, cabashooyinkaasi oo ay saldhig u yihiin:

1. Liisaska Xubnaha Golaha Dhexe iyo qaabka loo diiwaangaliyey.
2. Buuxinta xubnaha bannaanaaday iyo habka loo maray.
3. In xubnaha qaarkood wax-ka-beddel lagu sameeyey sifihii asal ahaan ay kaga mid ahaayeen Golaha Dhexe.

Anigoo ka duulaya qodobbada kor ku xusan, waxaan la kulmay xubnaha Hoggaanka Xisbiga Kulmiye ee metelaya dhinaca cabashadu ka timi, isla markaana ka dhegaystey waxa ay ku qotonto cabashadoodu. Sidoo kale, waxaan dhegaystey doodda xubnaha kale ee Hoggaanka Xisbiga ka tirsan ee metelaya dhinaca laga cabanayo.

Haddaba, waxaan ku qancay inay lagama maarmaan tahay in wixii tuhun iyo mad-madow ah laga saaro habsami u socodka hawsha diiwaangalinta xubnaha Golaha Dhexe, si loo helo madal loo siman yahay oo cid waliba ku tartami karto.

Sidaas darteed Mudanayaal, waxaan idiin magacaabay in aad si madax-bannaan u hubisaan in uu jiro wax khaladaad ah, idinka oo u kuur-galaya arrimaha cabashadu ka jirto oo dhan.

Ugu dambayn, waxaan idiin rajaynayaa in aad masuuliyaddan u gudan doontaan si xilkasnimo leh.
ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.