Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu xalay kulan casho-sharaf ah ku qaabiley madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo ay wehelinaysay Marwadiisa Huda Barkhad Aadan.
Madaxweynaha Qaranka oo ay wehelinaysay Marwada Koowaad ee Somaliland, Marwo Aamina-weris Sh. Maxamed Jirde, Madaxweyne-Xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiir ku xigeenka Madaxtooyada Axmed Xaashi Cabdi, Safiirka Somaliland u fadiya Imaaraadka Baashe Cawil Cumar, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali, iyo xubno kale.
Madaxweyne Silaanyo ayaa qasriga Madaxtooyada ku soo dhaweeyey Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo wakhtigan dalka ku sugan.
Kulankan oo aan ahayn kii u horreeyey ee ay wada yeeshaan madaxweynaha hadda tallada haya iyo madaxweynihii hore, tan iyo intii ay xilka la kala wareegeen dhammaadkii sanadkii 2010 kii.