Madaxweyne Siilaanyo wuxu xeer ku dhaqan-geliyey miisaaniyad-sannadeedka 2016-ka

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed “Siilaanyo” ayaa maanta xeer madaxweyne ku ansixiyey miisaaniyad-sanadeedka 2016-ka. Sidaas waxa lagu sheegay war-saxafaadeed duhurkan ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Xuseen Adan Cige.

War-saxaafadeedka oo dhammaystirani wuxu u dhigan yahay sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/DEC/249-3766 /012016 ku Dhaqan-geliyey Miisaaniyad Sannadeedka 2016-ka.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/G/KF-29/674/2016 ee ku taariikhaysan 03/01/2016 ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2016-ka ee Dawladda Dhexe, Hay’adaha Madaxa Bannaan, Dawladaha Hoose, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah, Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta;

Wuxuu Soo Saaray

Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2016-ka ee Dawladda Dhexe, Hay’adaha Madaxa Bannaan, Dawladaha Hoose, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah iyo Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta.
ALLAA MAHAD LEH

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)