Madaxweyne Siilaanyo wuxu xilkii ka qaaday Hanti-dhawrihii guud

 

War-saxaafadeed ka soo baxayย Madaxtooyadda ayaa waxa xilkii uu hayey lagaga qaaday Hanti-dhawrihii Guud Maxamuud Aw Cabdi Ibraahin (Maxamuud Dheere).

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sida tan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahayย JSL/M/XILQ/249/1-4946/072017ย uu xilkii kaga qaaday Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka.

Waxaanay u dhignayd digreetada madaxweynuhu sidan:-ย 

Ku:ย ย ย ย ย  Mudane, Maxamuud Aw Cabdi Ibraahin (Maxamuud Dheere)

Hanti-dhawrihii Guud ee Qarankaย 

Og:ย ย ย ย ย  Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka

Og:ย ย ย ย ย  Xisaabiyaha Guud ee Qaranka

Og:ย ย ย ย ย  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Ujeeddo:ย ย ย ย ย ย ย  Xil-ka Qaadis

Mudane,

Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Haddaba, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaas, waxaanad ku wareejin doontaa Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, oo si ku meel-gaadh ah u sii hayn doona, inta aan u soo magacaabayo mas’uul ku habboon xilka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka.

ย ALLAA MAHAD LEH

ย Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL