Madaxweyne Siilaanyo wuxu xafiiskii ku qaabilay wafti ka socda Imaaraadka Carabta

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa maanta ku qaabilay xarunta Madaxtooyada wafti ka socda dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Wafigaasi oo uu hoggaaminaayay Sheekh Falaax Al-Axbaabi Abu-Sultan oo ah madaxa mashaariicda horumarinta u qaabilsan waddamada Iskutaga Carabta ay u fidiyaan waddamada Afrika ee ka hooseeya Saxaraha.

Ujeedada kulaankaasi oo ahayd hirgalinta mashaariic badan oo ay dawlada Imaaraadka Carabtu ka waddo gudaha Somaliland, kuwaasi oo ay intooda badani qayb ka yihiin safarkii uu dhawaan madaxweynuhu ku tagay Imaaraadka Carabta.

Waxaana uu madaxweyne Siilaanyo uu ku bogaadiyey Imaaraadka Carabta taakulaynta iyo gacan-siinta joogtada ah ee ay la dhinac taagan tahay Somaliland, isaga oo ku tilmaamay mid waji cusub la bilaabantay taasi oo aan fursadiisu hore usoo marin dadweynaha reer Somaliland.

Sidoo kale madaxweyhu waxa uu ku amaanay Imaaraadka Carabta sida degdega ah ee ay uga jawaabto duruufaha adag ee soo waajaha Somaliland, isaga oo tusaale usoo qaaday kaalinta laxaadka leh ee ay ka qaateen arrintii gurmadka abaaraha ee dhawaan dalka soo waajahday, taasi oo ay Imaaraadka Carabtu soo gaadhsiisay gurmadkii ugu balaadhnaa dadka reer Somaliland ee ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxa mashaariicda Iskutaga Carabta Sheekh Falaax Al-Axbaabi Abu-Sultan ayaa isaguna dhiniciisa ku bogaadiyey madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, sida wanaagsan ee ay ugu heelan yihiin markasta, mashaariicda ummadda loogu faa’iidaynaayo, halkaasi oo uu ku sheegay in ay muddo sanad gudaheed ah ay meesha ka bixi doonaan haraadka iyo biyo la’aanta ka taagan Hargeysa iyo magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laas-caanood .

Al-Falaax Al-Axbaai Abu-Sultan waxa kale oo uu ku amaanay shacbiga iyo dawlada Somaliland isku duubnida iyo horumarinta ay dalkooda ugu wadda jiraan, isaga oo xusay inay Somaliland tahay meel ku dayasho mudan u noqon doonta guud ahaan Geeska Afrika,

Ugu dambeyntii waxa Al-falaax ugu bushaareeyey shacabka iyo xukuumadda reer Somaliland xafiiska dublamaasiyadeed ee ay markii ugu horeysay Somaliland ku yeelatay Iskutaga Imaaraadka Carabtu taasi oo uu sheegay in ay Somaliland u tahay fursad ka faa’iidaysigeeda mudan.

bandhige@gmail.com