Madaxweyne Silaanyo wuxu maanta furay ceel-biyood laga hirgeliyey Waddo-Makaahiil

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta ka qaybgalay furitaanka ceel-biyood laga hirgeliyey Waddo-Makaahiil oo ka tirsan Degmada Fara-weyne.

Xafladda furitaanka ceel-biyoodkan waxa ka qayb-galay Salaadin, Cuqaal, Haween, masuuliyiinka ka tirsan xukuumada iyo dadweyne badan.

Ugu horayn waxa xafladda ka hadlay  wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaaf Sheekh Maxamuud Aw Suufi oo uga mahadnaqay xukuumadda dedaalka ay shacbigeeda u samaysay ee ay ka mid ka yihiin ceelasha iyo kaabeyaasha aasaasiga ah ee bani’aadmigu u bahaan yahay.

Waxa isna madasha ka hadlay Ugaas Maxamed Cabdilaahi Ibraahim Jabane isagoo u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay in deegaani helo biyo, caafimaadka iyo waxbarasho.

Dhammaan masuuliyiintii ka hadashay xafladda furitaan ceel biyoodkan waxay sheegeen in ay aad u muhiim tahay in dadku helaan biyo iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin.

Gebogebadii Madaxweynuhuna ayaa u mahadnaq shacbigii halkaasi ku soo dhaweeyey isaga oo sheegay madaxweynuhu in uu marwalba heegan ugu jiro sidii u shacbigiisa u barbar taagnaan lahaa waxna ugu qaban lahaa, gaar ahaan arrimaha bulshada ee aas-aasiga ah sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada, iyo wixii la mida.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa qado sharaf loogu sameeyey Waddo-Makaahil, kadibna waxa ay u soo carraabeen dhinaca Hargeysa.

Dadka deegaanka Waddo-Makaahiil deggan ayaa muddo dheer cabasho ka muujinayey biyo-yaraan, gaar ahaan wakhtigan intii dambe ee abaaruhu soo noqnoqonayeen. Ceelkan ayaa la rajaynayaa in uu wax badan ka taro baahidii biyaha ee la qabay.

Hoos ka daawo munaasibaddii furitaanka ceel-biyoodka.

bandhige@gmail.com