Madaxweyne Trump wuxu meesha ka saaray kulankii uu la qaadan lahaa hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un

Madaxweynaha Maraykanka ayaa gebi ahaanba  meesha  ka saaray in uu dhacayo shirkii loo ballansanaa 12-ka June ee ay isaga iyo dhiggiisa Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ku kulmi lahaayeen Singapore.

Madaxweyne Trump wuxu go’aankiisa ku saleeyey kadib markii ay Kuuriya ka yimaaddeen hadalo cadho iyo colaadi ka muuqato.

Trump wuxu sheegay in uu ka mahad celinayo 3dii qof ee Maraykanka ahaa ee ay Kuuriya soo daysay laakiin aanu diyaar u ahayn shirkii loo ballansaa.

Sidoo kale warqadda uu u qoray  Kim Jong Un wuxu Trump ku xusay hanjabaad ah nukliyeerka Maraykanku uu  yahay mid aad u awood badan sidaa daraadeedna uu Ilaahay  ka baryo in aan cid loo isticmaalin.

Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya Moon Jae-In ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka Trump waxaanu ku baaqay in labada dhinac ay sii wadaan wadaxaajoodka. Sidoo kale waddanka Singapore oo martigelinta shirkan lahaa ayaa sheegay in uu ka xumaaday dib-u-dhacan diblomaasiyadeed kuna baaqay in dhinacyadu ay wada-xaajood nabadeed sii wadaan.

Haddii shirkani qabsoomi lahaa, khilaafka qaarad-la-moodda Kuuriyana sidaa lagu xallin lahaa, waxay Trump u noqon lahayd guushii ugu weynayd dhinaca diblomaasiyadda iyadoo ay dadka qaarna sheegayaan in ayba dhici kari lahayd in uu ku guulaysto Noble Peace Prize, haseyeeshee fursaddaasi waxay hadda u muuqataa mid luntay.

Bandhige@gmail.com