Madaxweyne-Xigeenka Somaliland oo qado-sharafeed ku maamuusay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan

Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa qado-sharafeed shalay u sameeyey Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdirashmaan Faroole oo safar shakhsi ah ku yimid Hargeysa.

Madaxweyne-Xigeenku wuxu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu casuumaddan u sameeyo Madaxweyne Faroole wuxuna sheegay in uu Faroole yahay oday Somaliyeed oo in kasta oo uu xilka ka degey haddana weli waa oday Soomaaliyeed oo gacan weyn ka gaysan kara isku soo dhawaynta Puntland iyo Somaliland.

Madaxweyne Faroole ayaa isaguna mahadnaq u jeediyey xukuumadda iyo shacabka Somaliland waxanu yidhi:

“Waad ogaydeen oo waxa qoys ahaan nagu dhacay geeri xun, gaar ahaan xaaskaygii. Intii aan joogay waxa i soo booqday dad aad u tiro badan oo qayb kasta oo bulshada ah ka tirsan. Waan ku farxay sida tacsida la igala qayb-qaatay. Qoyskaygu wuxu kala deggan yahay Ustareeliya, Garoowe iyo Hargeysa, sidaas ayaanan u imid.”

Qado-sharafeedkan waxa Madaxweyne-Xigeenka ku wehelinayey Guddoomiye-Xigeenka koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee sharci-dejinta iyo dadweyne kale oo la casuumay.

20kii July ayuu Madaxweyne Faroole ka soo degay Madaarka Cigaal isagoo u yimid arrin shakhsi iyadoo ay halkaas ku soo dhaweeyeen salaadiin iyo xubno xukuumadda ka mid ah.

Hoos ka akhriso warar hore oo kan la xidhiidha:

Madaxweynihii hore ee Puntland waxa lagu soo dhaweeyey Hargeysa

Madaxweynihii hore ee Puntland oo la filayo in uu ka soo dego madaarka Cigaal

Hoos ka daawo qado-sharafeedka:

Bandhige@gmail.com