Madaxweyne-Xigeenka Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa tacsi u diray qoyska iyo qaraabada uu ka baxay fannaankii caanka ahaa Shay Mire Dacar.
Fannaanka ayaa shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa oo sannado badan ku noolaa. Ka hor intii aanu fankiisu u soo gudbin magaalo-madaxda Shay Mire wuxu ku noolaa Ceerigaabo halkaas ayaanu fankiisa ka bilaabay kuna hir galay. Shay waxay walaalo yihiin Caabi Mire Dacar oo isaga qudhiisu ah fannaan caan ah.
War-saxaafadeed saqdii dhexe ee xalay ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa uย dhigan sidan:
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland, isagoo ku hadlaya magaciisa ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Bahda fanka iyo suugaanta, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle haw naxariistee Marxuumย Cabdillaahi Mire Dacar (Shay Mire), ย oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa shalay 17.07.2016.ย Waxanu ku simaha madaxweynuhu ku sifeeyey marxuumka, abwaan magac iyo karaamo ku leh shacbiga Somaliland iyo guud ahaan dhulka Soomaalidu degto, isagoo ahaa
hal-abuur ku xeeldheer qaybo ka mid ah fanka iyo suugaanta Soomaalida, sida heesaha, fannaanimada, tumista Kamanka, samaynta laxanka iyo midhaha. Waxanu Marxuumkaย Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda fanka iyo suugaanta,ย qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Cabdiraxman Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
ย ย ย ย ย Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
ย